Waxaad halkaan kaheli kartaa warar kusaabsan saacadaha shaqada ee goobtan caafimaad, kaalmada dawooyinka, sida loobuuxsado caymiska shaqada, iyo sida looga qayb-qaato booqashada muuqaalka ee caafimaad.
Rugtan caafimaad waxay ushaqaynaysaa si caadi ah. Fadlan soo was si aad balan usamaysato.
Goobteena caafimaad waa ay furantahay. Waxaan halkaan ujoognaa cidwalba oo noo baahan, waxaanan xooga saaraynaa baahidiina joogtada ah. Waxaan qiimayn doonaa in aan idinku qaabilno qaab muuqaal ah (taleefoon and muuqaal hadal) – hase’ahaatee, iyadana waa caadi hadii aad kuqanacsantahay in aad imaato goobta caafimaad. Waxaa sidoo kale laga yaabaa in aan kuusoo wacno in aad balantaada caafimaad kuubadalno, una badalno sanadka dhamaandkiisa. Hadii aad dareemayso calaamadaha caabuqa COVID-19 sida qandho, naqaska oo kugu xirma, qufac aan qoyaan lahayn, fadlan soo wac numberkaan 507-323-8100 kahor inta aadan imaan goobta caafimaad si aan kuugu sii diyaar garowno.
Macluumaad kusaabsan Daawooyinka iyo Farmashiyaha Sterling
Farmashiyaha aan calaaqaadka leenahay ee Sterling waa laga xiray qaybtii qaabilida dadka, taa badalkeedana waxa furan qaybta gaariga adoo saran aad wax uga gadan karto, xaruntooda Faribault, iyo sidoo inaad balan kadib kaqadan kartid daawada xaruntooda Northfield kaliya. Ma aqbalayaan lacag cadaan ah, waxa kaliya ee ay aqbalayaan waa Credit Card (karka daynta) oo aad kubixin karto adiga oo adeegsanaya telefoon ama qaybta gaariga ee farmashiyaha.
Caawinta Caymiska Shaqola’aanta
Wakhtigan adag waxaan fahansanahay in inbadan oo idinka mid ah shaqada ay shaqadii kadhamaatay taasna ay sababi karto wareer badan oo dhanka codsiga caymiska shaqala’anta iyo dokomentiga lahalmaala. Qaybteena caawinta bulshada ayaa diyaar idinla ah in ay idinka caawiyaan. Iyadoo ay kuxirantahay hadba sida ay baahidaadu tahay, ayaa hadana waxaad qabsan kartaa balan goobta caafimaadka ah ama mid dhanka telefanka ah. Fadlan soo wac 507-323-8100.
Fadlan kaga bogo macluumaadkaan hoose si aad u hesho xogo dheeri ah. Waxaanu wadi doonaa in aan marwalba cusboonaysiino xogta kuqoran bogaan, iyo baraheena kale ee bulshada.
Comentarios